Tottenham Mise Man United? Paul Scholes Oo Saadaaliyay Kooxda Ku Guulaysan Doonta Europa League.

Paul Scholes ayaa shaaca ka qaaday saadaashiisa finalka Europa League kadib markii kooxaha Manchester United iyo Tottenham ay ka soo gudbeen semi-finalka.

United ayaa 7-1 ku xasuuqday kooxda La Liga ee Athletic Bilbao isku cel celis ahaan si ay ugu soo gudubto finalka, kaasoo la ciyaari doono May 21, halka Spurs ay 5-1 ku garaacday kooxda reer Norway ee Bodo-Glimt.

Ku guuleystaha Europa League kaliya ma xaqiijin doono koob weyn laakiin waxa uu u soo bixi doonaan Champions League xilli ciyaareedka soo socda.

Manchester United iyo Tottenham ayaa ku kala jira 15-aad iyo 16-aad, siday u kala horreeyaan ee Premier League-ga – in ka badan 20 dhibcood ayaa ka dambeeyaan boosaska Champions League.

Laakiin ku guuleysiga finalka Europa League ayaa mid ka mid ah kooxaha ku dhibtoonaya Premier League u diri doonta tartanka ugu sareeya Yurub xilli ciyaareedka soo socda, Scholes ayaana rajeynaya inay taasi noqoto Man United.

“Ma dhahayo United xaqiiqdii way ku guuleysan doontaa laakiin taariikhda ayaa ii sheegaysa inay haystaan fursad weyn”Scholes ayaa u sheegay TNT Sports.

“Waan ognahay in Spurs ay garaacday seddex jeer xilli ciyaareedkan, runtiina waa koox wanaagsan. Tottenham waan jeclahay”.

“Kaliya waxaan dareemayaa in Man United haysto fursad fiican oo ay ugu guulaysan karto koobka”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga