Toni Kroos ayaa aaminsan in khibrad la’aanta Arsenal ee champions League ay siineyso Real Madrid fursad ay ku samayso soo laabasho kulanka Arbacada.
Arsenal ayaa 3/0 ku hogaaminaysa ciyaarta iyaga oo isha ku haya in ay dhamaystiraan shaqada kulanka lugta 2-aad.
Kooxda Arsenal ayaa lagu reebay lugta 2-aad wareega 8 dhamaadka champions League xilli ciyaareedkii hore maadama ayna dhaafin halkaas tan ilaa sanadkii 2009.
“Arinta dareenka ayaa go’aamin doonta wax weyn kulanka Arsenal”ayuu Kroos yidhi.
“Kooxdu waa in ay goolal dhaliso 15 daqiiqo ee ugu horeeya, waa in ay dareensiiyaan Arsenal oo aan khibrad u lahayn champions League in ayna ciyaarta wali dhamaan”.
“Waxa aan ka sheekaynayaa khibrad marka ay Real Madrid ciyaarta baacsanayso waxa ay dhalinayaan goolal xitaa hadii ay 6 ilaa 7 daqiiqo ka dhimantahay ciyaarta”ayuu sii raaciyay.
Be the first to comment