Timber Oo Fariin U Diray Kooxdiisa Ka Hor Kulanka PSV.

Jurrien Timber ayaa ku dhiiri galiyay Arsenal inay “badalaan sheekada” ku saabsan weerarkooda halgankooda inta lagu guda jiro kulanka champions league.

Gunners ayaa ku dhibtoonaysay goolka hortiisa labadii kulan ee ugu dambeeyay ka dib markii ay dhaawacyo xidhiidh ah ka soo gaadheen weerarka.

Bukayo Saka, Gabriel Jesus, Gabriel Martinelli iyo Kai Havertz ayaa dhamaantood maqan, iyadoo Mikel Merino lagu qasbay inuu buuxiyo booska weerarka.

Arsenal ayaa ku guuldareysatay inay gool dhaliso ugu yaraan labadii kulan ee ay ciyaartay Premier League – wax aysan sameynin tan iyo May 2023 – laakiin Timber ayaa aaminsan in Champions League ay dhinaca kale u rogi doonto.

Gunners ayaa la ciyaari doonta PSV kulanka lugta 1-aad ee wareega 16-ka champions League.

“Waxaan u maleynayaa in dhiirigelinta ay jirto, waana horyaal cajiib ah oo lagu ciyaaro,” ayuu yiri Timber.

“Waxay ila tahay in aanu si fiican u muujinay kulamadii Group-yada in aanu samaynay wax fiican oo aanu haysano koox fiican. Waxaan qabaa in kulanka PSV yahay mid fiican oo aan badali karno sheekada”.

“Hore ayaan horey ugu sheegay wareysi kale, waxaan u maleynayaa inaan tayo badan ku leenahay kooxdayada. Dabcan, waxaan qabnaa dhaawacyo badan, gaar ahaan kuwa hore. Waan ognahay taas”.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga