Tim Sherwood ayaa shaaca ka qaaday aragtidiisii ugu dambeysay ee tartanka hanashada horyaalka Premier League kaddib markii ay guulo gaareen Arsenal iyo Manchester City labaduba.
Hoggaamiyeyaasha horyaalka ee Arsenal ayaa u muuqday inay dhibco lumin doonaan kulankii ay la ciyaareen Wolves oo ku jira kaalinta ugu hooseysa horyaalka, kaddib markii kooxda ugu liidata horyaalka ay dhalisay gool barbarro ah daqiiqadihii dambe ee ciyaarta, kulan ka dhacay garoonka Emirates Stadium.
Si kastaba, Arsenal ayaa mar kale heshay gool guul ah daqiiqadihii ugu dambeeyay, kaas oo ku yimid qalad labaad oo ay iska dhaliyeen Wolves, taasoo u suuragelisay Gunners inay sii hayaan hoggaanka horyaalka Premier League.
Arsenal ayaa si ku-meel-gaar ah uga hormartay Manchester City shan dhibcood, balse kooxda Pep Guardiola ayaa hoos u dhigtay farqigaas kaddib markii ay si fudud ugu adkaatay Crystal Palace.
Sidoo kale, waxaa guul gaartay Aston Villa oo ku jirta kaalinta saddexaad, kuwaas oo laba jeer kasoo laabtay goolal looga hormaray si ay uga adkaadaan West Ham, una xaqiijiyaan guushoodii sagaalaad oo xiriir ah.
Sherwood waxa uu ka muujiyay walaac sida ay Arsenal u muuqatay mid cabsi iyo walbahaar leh kulankii ay si dhib badan kaga adkaadeen Wolves, balse weli waxa uu aaminsan yahay in Gunners ay ku guuleysan doonaan horyaalka Premier League markii ugu horreysay tan iyo sanadkii 2004.
Si kastaba ha ahaatee, waxa uu rumeysan yahay in Manchester City ay hal faa’iido oo cad ka leeyihiin Arsenal, halka uu ka shakisan yahay in kooxdiisii hore ee Aston Villa ay leedahay xoog iyo beddel ku filan si ay u sii waddo loollanka lama filaanka ah ee ay ugu jirto hanashada horyaalka.
“Mararka qaar guul ku timaadda si fool-xun waa muhiim, balse tan Arsenal ka timid runtii aad bay u fool-xuneyd,” ayuu Sherwood ka yiri Premier League Productions.
“Waxaan filayay in ciyaartu aad uga sahlan doonto sida ay ku dhammaatay, balse way la daaleen, runtii way ku dhibtoodeen.
“Si fiican uma maareyn ciyaarta. Waxaan ku jirnaa bisha December, haddana way walwalsanaayeen, way cabsadeen. Tartanka horyaalka xitaa weli si rasmi ah uma bilaaban, haddana bisha December ayay sidaas u ciyaarayaan.”
“Mikel Arteta ma oranayo ha dib u gurtaan, balse dhammaanteen waan arkaynay inay sidaas u dhacday. Aad bay u cabsi badnaayeen aniga aragtidayda, weliba iyagoo sidaas u walwalsan ka hor inta aan la gaadhin wakhtigii ugu mshquulka badnaa ee ciida krismiska”.
“Sidee bay noqon doonaan marka ay dhab ahaan muhiim noqoto? Waxay noqon doontaa xaalad argagax ah. Hore uma aysan soo marin arrintan, sidaas darteed waa inay ka saaraan dabeecaddaas.
“Horyaalka hadda lama guuleysan karo, balse hubaal waad iska saari kartaa tartanka. Waan ka helay waxa aan ka arkay Arsenal xilli-ciyaareedkan, waxaana aaminsanahay inay u joogaan tartanka muddo dheer.”
Markii la weydiiyay in Arsenal ay weli yihiin kooxda ugu cad-cad ku guulaysiga premier League xilli ciyaareedkan ayuu yidhi “Haa, laakiin ciyaartaas weli maskaxdayda ayay ku cusub tahay, mana aanan jeclaan wixii aan arkay.
“Wax yar ayaan uga walwalsanaa halkaas. Waxay noqon doontaa mid sii walbahaar badan oo sii kacsan, mana awoodaan inay muujiyaan noocaas welwelka ah garoonka dhexdiisa.”
Markii lagu cadaadiyay rajada Aston Villa ee ku guuleysiga koobka Premier League, Sherwood ayaa ku jawaabay:
“Waxaa laga yaabaa inaysan haysan awood beddel oo ku filan.”
Be the first to comment