Thierry Henry Oo Magacaabay Saxiixa Ugu Fiican Ee Premier League.

Halyeeyga Arsenal, Thierry Henry ayaa xulay weeraryahanka Liverpool Hugo Ekitike inuu yahay ‘saxiixa ugu Fiican ee suuqa kala iibsiga xagaagan.

Sida uu sheegay Henry, Ekitike ayaa tirtiray dhammaan shakigii laga qabay inuusan ku guuleysan doonin Liverpool.

Xusuusnow in Reds ay xagaagan ka soo saxiixdeen xiddiga 23 jirka ah ee xulka Faransiiska kooxda Eintracht Frankfurt.

Isagoo la hadlayay Betway kana hadlayay saxiixii ugu cajaa’ibka badnaa ee suuqa kala iibsiga xagaagan, Henry wuxuu yiri:

“Waa Ekitike.

“Dadku waxay odhan doonaan waa mid iska cad, balse waa in lagu ammaano – qofna ma fileyn inuu iman doono oo sidaas ku ciyaari doono.

“Hadda doorasho ayaa jirta, Ekitike-na naftiisa ayuu ka dhigay doorasho. Wuxuu yimid oo tirtiray shakigii laga qabay waqtiga uu qaadan lahaa inuu la qabsado.”

“Waxa uu muujiyay in uu leeyahay heerkii loogu ciyaari lahaa Liverpool” .

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga