Halyeeyga Kooxda Arsenal ee Thierry Henry ayaa fariin u diray tababare Mikel Arteta ka hor xidhitaanka suuqa January.
Saacado ayaa ka dhiman in uu xidhmo suuqa January iyada oo kooxuhu wakhtiga dagaal la gali doonaan sidii ay u dhamaystiri lahaayeen saxiixa xiddigo cusub.
Thierry Henry ayaa kooxdiisii ore u sheegay in ay u baahanyihiin weeraryahan usub ka hor inta uuna xidhmin suuqa January.
Guushii ka dib, Henry ayaa u sheegay Sky Sports: “Waxaan u baahanahay No.9. Qofna ma weydiin doono No.9 ka dib markii aad 5-1 ku badisay. Laakiin waan u baahanahay, xaaladdu wali waa sidii hore. Waxaan No.9 Dalbanaynay muddo 4 sano ah”ayuu sii raaciyay.
Kooxda Arsenal ayaa lala xidhiidhinayay xiddigo badan oo weerarka ka ciyaara suuqa January waxana lala xidhiidhinayay xiddigo ay ka mid yihiin Ollie Watkins.
Be the first to comment