Weeraryahankii hore ee Faransiiska, Thierry Henry, ayaa ugu baaqay ciyaartoyda Arsenal inay “daacad” ka noqdaan fursadahooda ku aaddan hanashada horyaalka Premier League.
Henry wuxuu ka hadlayay Sky Sports, kaddib markii uu daawaday kooxdiisii hore oo Axaddii 4-1 ku xasuuqday Tottenham.
Leandro Trossard ayaa goolka u furay Gunners, ka hor inta uusan Eberechi Eze qabsanin warbaahinta isagoo saddexleey cajiib ah dhaliyay.
Henry wuxuu yiri: “Mar ayay tahay inaad qaadato oo aad aqbasho.
“Dadku waxay ka hadlayaan hanaanka (process-ka). Ma aha inaad weli ku aaminto hanaanka oo keliya. Wuu socdaa. Waa inaad daacad noqotaa.
“Anaga ayaa isku ridnay xaalad aan ku aaminnay inaan leenahay kooxda ugu fiican. Ma xusnay ciyaartoydii aan ciyaarayn? Eeg sida aan u ciyaarnay. Mar dambe kama cabanayo hal ama labo ciyaaryahan oo maqan.”
“Markaa waa inaad hubisaa inaad horyaalka ku guuleysan karto. Ma oranayo inay horyaalka qaadi doonaan, balse waa inaad u dhaqantaa sida kooxda loo saadaalinayo inay ku guuleysato.”
Be the first to comment