
Thibaut Courtois ayaa aminsan in uu ku biiri lahaa Man United maadama ay tahay koox uu muddo taageeri jiray laakiin waxa u diiday in uu ku biro David de Gea.
Courtois ayaa ka mid ah goolhayayaasha ugu fiican adduunka tobankii sano ee la soo dhaafay, isagoo kula guuleystay horyaallada Atletico Madrid, Chelsea iyo Real Madrid.
Laacibka reer Belguim ayaa ka soo baxay kooxda Genk wuxuuna daaha ka qaaday inuu xiiso ka helay Tottenham iyo kooxo badan oo Yurub ah xagaagii 2011 markaas oo uu ku biiray Chelsea.
Chelsea ayaa isla markiiba Courtois amaah ugu dirtay Atletico wuxuuna ku soo barbaaray Madrid, isagoo ka caawiyay kooxda Diego Simeone inay ku guulaystaan Europe League iyo horyaal La Liga.
Blues ayaa ku faraxsanayd in Courtois uu horumar ka sameeyo Atletico iyada oo halyaygii Chelsea ee Petr Cech uu wali ka ciyaarayay Stamford Bridge.
Courtois ayaa labo horyaal oo Premier League ah ku qaaday muddo seddex sano ah oo uu joogay Chelsea – isagoo ku guuleystay abaalmarinta Glove Golden 2016-17 ka hor inta uusan ku biirin Real Madrid, halkaasoo uu ku qaatay todobadii sano ee ugu dambeysay.
32-sano jirkaan ayaa ku riyaaqay heerar cajiib ah oo uu ku gaaray Bernabeu, isagoo kula guuleystay seddex horyaal oo La Liga ah iyo labo Champions League intii uu hogaaminayay Carlo Ancelotti.
“Waan jeclaa Edwin van der Sar iyo Casillas”. ayuu u sheegay daaficii hore ee United Rio Ferdinand.
“Waxaan mar walba la socday ciyaaraha Real Madrid iyo Manchester United sababtaas awgeed. Waxaan daawaday wax badan Edwin markii aan korayay, wax ayaan ka baran jiray”.
Markii la weydiiyay sababta uusan waligiis ugu dhaqaaqin Masraxa Riyada, Courtois ayaa ku jawaabay”Waxay la soo saxiixdeen David [de Gea[, ma ogtahay?
“aasi waxay jidkayga u qaabaysay si ka duwan qaab kale. Waxaan taageere u ahaa Man United”
Be the first to comment