Goolhayaha kooxd Real Madrid ee Thibaut Courtois ayaa ka hadlay isku aadka wareega 16-ka champions League ee soo socda.
Isku aadka ayaa la samayn doonaa maalinta jimcaha iyada oo kooxuhu ogaan doonaan kooxaha ay la ciyaari doonaan wareega 16-ka tartanka champions League.
Inkasta oo aan wali la ogayn hadana Thibaut Courtois ayaa durba sii sheegay kooxda ay Real Madrid ku aadi doonto wareega 16-ka tartanka champions League.
“Dhamaanteen waan ognahay inay noqon doonto Man City maalinta Jimcaha marka la sameynayo isku aadka! Qof walba wuu ogyahay taas…”Ayuu yidhi Goolhayuhu.
Arintan ayaa imanaysa iyada oo si weyn loo filayo in ay Real Madrid midkood ku aado kooxaha Man City ama Sporting Lisbon wareega 16-ka champions League.
Be the first to comment