Ten Hag Oo Sheegay Sababtii Kooxdiisu Guuldaro Ugala Kulantay Man City.

Tababaraha Kooxda Man United Erik Ten Hag ayaa ka hadlay guuldaradii kooxdiisa ka soo gaadhay Man City.

Man United ayaa guuldaro 3/1 ah kala kulantay Man City kulan ka tirsanaa horyaalka premier League.

Red Devils ayaa ku hor martay gool uu dhaliyay Rashford laakiin Haaland iyo Foden ayaa kooxda Man City u dhaliyay laba gool.

Kadib ciyaarta tababaraha Man United ayaa ka fal celiyay guuldaradii kooxdiisa ka soo gaadhay Man City kulan ka tirsanaa premier League.

“Waxa noo ciyaarayay laba ciyaaryahan oo aan 100% taam ahayn oo kala ah Jonny Evans iyo Marcus Rashfored laakiin waxa ay kooxda siiyeen wax walba”.

“Kooxda oo dhan si fiican ayay u ciyaartay laakiin waan ka niyad jabsanahay natiijada”ayuu Ten Hag sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga