Ten Hag Oo Sheegay Faa’iidada Ay Man United U Leedahay In Uu Casemiro Ka Ciyaaro Daafaca.

Erik ten Hag ayaa soo jeediyay in Casemiro uu u dhaqaaqo daafaca Man United ay leedahay faa’iidooyin leedahay maadama xiddiga reer Brazil horumarinayo kubad dhisamaha.

Red Devils ayaa dhaawac uga maqan yihiin xiddigo kooxda 1-aad ah gaar ahaan dhinaca daafaca iyaga oo uu uga maqan yihiin Raphael Varane, Lisandro Martinez, Jonny Evans, Victor Lindelof, Luke Shaw & Tyrell Malacia.

Taas ayaa keentay in Casemiro laga ciyaarsiiyo daafaca dhexe isaga oo ka garab ciyaara Harry Maguire waxana uu soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah.

Markii la weydiiyay haddii joogitaanka Casemiro ee daafaca dhexe ay dhab ahaantii ka caawisay dhisidda United wareysi uu siiyay MUTV, Ten Hag ayaa yidhi”Haa, waa mid faa’iido leh”.

“Waa mid ku fiican kubada waxana uu mar walba qaadanayaa go’aansada saxda ah marka uu kubada haystaa”.

“Qof walba waa arki karaa inuu yahay ciyaaryahan weyn, runtiina wuxuu gacan ka geystaa dhisida ciyaarta”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga