Ten Hag Oo Iska Diiday Saxiixa Emiliano Martinez Kana Doortay Andre Onana, Sabab.

Tababaraha Manchester United Erik ten Hag ayaa u doortay goolhaye Andre Onana isaga oo iska diiday Goolhaye Emiliano Martinez.

Sida laga soo xigtay Gonzalo Goni, wakiilka Martinez, Ten Hag ayaa doortay Onana sabab la xidhiidha in ay horay u soo wada shaqeeyeen.

“Sannadkii hore waxa uu aad ugu dhawaa Man United, tabobaruhu waxa uu doortay Andre Onana, sababtoo ah isaga ayuu hore u garanayay,” Goni ayaa sharaxay.

“Laakiin qof walba oo United ah ayaa markii dambe ku adkaystay in goolhayaha ugu fiican ee la soo saxiixdo uu ahaa Emiliano Martinez”.

Emiliano Martinez ayaa wacdaro dhigay sanadihii uGu dambeeyay isaga oo xulka Argentine kula guulaystay koobkii adduunka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga