
Tartanka Gooldhalinta La Liga ayaa meel xiiso leh maraya iyada oo xilli ciyaareedku meel xasaasi ah maraya.
Xiddiga Barcelona ee Robert Lewandowski ayaa dhaliyay 2 gool kulankii ay kooxdiisu xasuuqday kooxda Girona kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga.
Xiddiga Lewandowski ayaa dhaliyay 25 gool ilaa haatan horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan isaga oo hogaanka u haya gooldhalinta La Liga.
Waxa ku xiga xiddiga kooxda Real Madrid ee Kylian Mbappe kaas oo isna 2 gool dhaliyay kulankii ay kooxdiisu ka badisay kooxda Leganes.
Mbappe ayaa isaguna leh 22 gool waxana uu 3 gool ka dambeeyaa xiddiga Lewandowski kaas oo leh 25 gool.
Halkan Kaga Bogo gooldhalinta La Liga.
Lewandowski (Barcelona) 25 Gool
Mbappe (Real Madrid) 22 Gool
Ante Budimir (Osasuna) 15 Gool
Oihan Sancet (Athletic Club) 13 Gool
Raphinha (Barcelona) 13 Gool
Be the first to comment