Tartanka Gooldhalinta Champions Legaue Oo Meel Xiiso Leh Maraya.

Goolal badan ayaa lagu arkay heerka horyaalka ee Champions League, marka la eego tirada badan ee ciyaaraha.

Ciyaartoy badan ayaa dhaliyay goolashii ugu fiicnaa Champions League xilli ciyaareedkan waxana hogaaminaya xiddiga Barcelona ee Robert Lewandowski iyo xiddiga Borussia Dortmund, Sergio Geraci.

9 gool oo uu u dhaliyay xiddiga reer Poland ayaa ka caawinaysa in uu hogaanka u hayo gooldhalinta champions League isaga oo 2 gool ka horeeya xiddiga Barcelona ee Raphinha.

Vinicius Junior ayaa kaalinta saddexaad soo galay isaga oo 7 gool u dhaliyay Real Madrid, wuxuuna hal gool ka hooseeyaa 7 ciyaartoy oo ay ugu horreeyaan labada ciyaaryahan ee Atletico Madrid Julian Alvarez iyo Antoine Griezmann.

Halkan kaga bogo tartanka gooldhalinta champions League:

Robert Lewandowski (Barcelona) 9 Gool

Serhou Guirassy (Borussia Dortmund) 9 Gool.

Rafinha (Barcelona) 7 Gool

Vinicius Junior (Real Madrid) 7 Gool

Julian Alvarez (Atletico Madrid) 6 Gool

Antoine Griezmann (Atletico Madrid) 6 Gool

Jonathan David (Lille) 6 Gool

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga