Tartanka Gooldhalinta Champions League Oo Meel Xiiso Leh Maraya.

Weeraryahanka Galatasaray, Victor Osimhen, ayaa haatan hoggaaminaya liiska gooldhallinta Champions League.

Osimhen ayaa dhaliyay saddexleey (hat-trick) markii kooxda horyaalka Turkiga ay 3-0 ku xasuuqday Ajax habeenkii Arbacada.

Xiddigan 26-jirka ah ayaa goolka hore ku furay madax uu ka helay baas uu siiyay Leroy Sané, ka hor inta uusan dhammaystirin laba laad oo rigooro ah.

Goolashaas ayaa tiradiisa guud ka dhigay lix, hal goolna ayuu ka sarreeyaa weeraryahanka Manchester City, Erling Haaland.

Haaland ayaa dhaliyay laba gool markii ay kooxdiisu 4-1 ku garaacday Borussia Dortmund.

Weeraryahanka Bayern Munich, Harry Kane, iyo xiddiga Real Madrid, Kylian Mbappé, ayaa iyaguna leh min shan gool.

Gooldhalinta Champions League ilaa hadda:

6 gool – Victor Osimhen (Galatasaray)

5 gool – Kylian Mbappé (Real Madrid), Harry Kane (Bayern Munich), Erling Haaland (Manchester City)

4 gool – Marcus Rashford (Barcelona), Anthony Gordon (Newcastle United), Lautaro Martínez (Inter Milan)

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga