Tartanka Golden Glove-ka Premier League Oo Meel Xiiso Leh Maraya.

Tartanka Glove Golden ee Premier League ayaa si adag loogu loolamaya iyadoo labada gool haye ee ugu fiican horyaalka ay ku dagaalamayaan labada kulan ee ugu dambeeya xilli ciyaareedkan.

Kabta Dahabka ah ayaa xilli ciyaareed kasta la guddoonsiiyaa goolhayaha shabaqiisa kulamada ugu badan ilaashafa 38 kulan oo Premier League ah.

Goolhayaha Nottingham Forest ee Matz Sels ayaa qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay xilli cigaareedkan isaga oo kooxdiisa ka caawiyay in ay u tartanto u soo bixista tartamada yurub xilli cigaareedka dambe.

Waxa ku xiga Goolhayaha kooxda Arsenal ee David Raya kaas oo laftiisu soo bandhigay qaab ciyaareed fiican.

Waxa ku xiga Goolhayaha kooxda Crystal Palace Dean Henderson.

Halkan kaga bogo liiska Goolhayaha u tartamaya Golden Glove-ka  premier League.

  • Matz Selz (Nottingham Forest) 13
  • David Raya ( Arsenal) 12
  • Dean Henderson (Crystal Palace) 11
  • Jordan Pickford (Everton) 10
  • Alisson (Liverpool) 9

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga