
Goolhayihii hore ee Newcastle United, Shay Given, wuxuu u muuqdaa inuu beddelay fikirkiisii ku aaddanaa tartanka horyaalka Premier League.
Given wuxuu horey ugu doortay Liverpool inay difaacato koobka kahor bilaabashada xilli ciyaareedka, isagoo sheegay in Arsenal ay mar kale ku dhammaan doonto kaalinta labaad afar sano oo xiriir ah.
Wuxuuna sidoo kale sheegay in Manchester City iyo Chelsea ay buuxin doonaan afarta sare.
Laakiin Given wuxuu si weyn uga helay bandhigyada ay Arsenal soo bandhigtay xilli ciyaareedkan ilaa hadda, wuxuuna aaminsan yahay in “fursaddooda ay tahay tan”.
Ragga uu hoggaamiyo Mikel Arteta ayaa Sabtidii si xamaasad leh uga adkaaday Nottingham Forest 3-0.
Markii uu falanqeynayey ciyaarta barnaamijka Match of the Day ee BBC-da, Given wuxuu yiri:
“Eeg sida uu u xooggan yahay kaydka Arsenal hadda, tani waxay u badan tahay inay tahay kooxda ugu xooggansan ee uu Mikel Arteta abid haysto.”
“Tani waa fursadooda, aniga ahaan, si ay u hantaan horyaalka Premier League.”
“Arteta wuxuu dhisay koox aad u xoogan, waana inuu aaminaa — iyagana waa inay aaminaan — in sanadkan uu yahay sanadkooda haddii inta badan ciyaartoyda kooxdu caafimaad qabaan.”
Be the first to comment