Tababarihii Ku Fashilmay Chelsea Oo Loo Magacaabayo Manchester United

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa la sheegay in ay dooratay tababaraha ay ku beddelayso Erik ten Hag oo lumiyey kalsoonida taageereyaasha iyo maamulka naadiga, kaddib markii ay ka hadheen tartanka Champions League, sidoo kalena ay horyaalka guul-darrooyin badan ka keeneen.

Manchester United ayaa laba jeer lagu garaacay garoonkooda Old Trafford toddobaadkan gudihiisa, waxaana ku karbaashay Bournemouth iyo Bayern Munich, halka Axadda ay u tegayaan Liverpool.

Erik ten Hag ayaa la sheegay in aanu rajo badan yeelan doonin haddii ay kooxdiisu guul-darraysato ciyaarta Anfield ee Liverpool, waxaana kooxdiisu ay haddaba sii raadsanayaa tababarihii ay ku beddeli lahayd, iyadoo ay xusheen macallinkii ku fashilmay Chelsea ee Graham Potter.

Red Devils ayaa la sheegay, in sidii Jose Mourinho oo kale ay ka yeeli doonto Erik ten Hag oo sannadkii 2018 la eryey markii ay Liverpool sida xun u garaacday, waxaana hadda Red Devils ay xulatay Graham Potter oo ah 48 jir ay hore u eriday Chelsea.

Sir Jim Ratcliffe oo la filayo in usbuucyada soo socda uu 25% la wareego mulkiyadda Manchester United ayaa doortay in Graham Potter uu noqdo tababaraha cusub ee Manchester United hoggaamin doona haddii la caydhiyo Ten Hag.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga