Tababaraha Xulka Argentine Oo Doortay Xiddiga U Qalma Ku Guulaysiga Abaalmarinta Ballon d’Or 2024.

Tababaraha xulka qaranka Argentina Lionel Scaloni ayaa doortay xiddiga uu doonayo in uu ku guulaysto abaalmarinta Ballon d’Or.

Waxa la soo saaray Liiska 30-ka xiddig ee u tartami doona abaalmarinta xiddiga ugu fiican adduunka ee Ballon d’Or 2024.

Xiddiga ku guulaysan doona abaalmarinta Ballon d’Or 2024 ayaa la shaacin doonaa wakhtiga soo socda iyada oo xiddiga ugu fiican addunka la caleemo saari doono

Mar wax laga weydiiyey Lautaro Martinez inuu u sharaxan yahay abaal marinta Ballon d’Or, waxa uu yidhi, “maxaan odhan karaa, anigu waxaan ahay macalinkiisii, waxaana u malaynayaa inuu sanad wanaagsan soo qaatay, waxa uu sidoo kale gool dhaliyay ciyaartii ugu dambaysay, waxaanu ahaa gooldhaliyaha ugu sareeya Copa America wuu ka mudan yahay magacaabista qof kasta oo kale.”

Waxa uu hadalkiisa raaciyay:”aad ayuu ugu qalmaa abaalmarinta in uu ku guulaysato”.

“Hadii ayna dhicin in uu sanadkan ku guulaysato way dhici doontaa sanadaha soo socda sababta oo ah mustaqbal Fog ayaa ka horeeya”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga