
Tababaraha Newcastle United, Eddie Howe, ayaa magacaabay ciyaaryahanka si weyn uga caawiyay Arsenal inay 2-1 kaga badiyaan kooxdiisa Axadii, kulan ka tirsan Premier League.
Newcastle ayaa hoggaanka u haysay ciyaarta 1-0 ilaa daqiiqaddii 85-aad, markaas oo Arsenal ay dhalisay goolka barbaraha, ka dibna guusha ku xaqiijisay gool kale oo yimid daqiiqaddii 95-aad ee waqti dheeraadka.
Howe wuxuu rumeysan yahay in kabtanka Arsenal, Martin Ødegaard, oo beddel kusoo galay qeybtii labaad, uu ahaa ciyaaryahanka isbedelka dhabta ah sameeyay islamarkaana uu door weyn ku lahaa guusha Gunners.
“Laba gool oo wakhti dambe ah waliba nalooga dhaliyay garoonkeena way na dhaawacaysaa”ayuu yidhi Howe.
“Waa inaan dib u milicsanno, oo aan qiranno in aanan ciyaarin sida ugu wanaagsan.”
Wuxuu sii raaciyay:
“Waxaan u maleynayaa in Ødegaard uu isbeddel weyn ku sameeyay qaab ciyaareedkooda guud. Culeyska joogtada ah ee ay na saareen uGu dambayntii waa midhi dhaliyay, Ma jirin dadaal la’aan, laakiin faahfaahinta yaryar ayaa nagu kacday dhibaatada.”
Be the first to comment