Tababaraha Liverpool Oo Ka Hadlay Qorshaha Kooxdiisa Ee Suuqa Kala Iibsiga.

Tababaraha Liverpool ee Arne Slot ayaa ka hadlay Qorshaha suuqa kala iibsiga kooxdiisa.

Slot ayaa la hadlay wariyayaasha ka hor kulanka Real Betis ee kulamada isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

Tababaraha ayaa wax laga waydiiyay qorshaha kooxdiisa ee suuqa waxana uu yidhi”Muhiimada ugu weyn waa in aan la shaqayno xiddigaha aan haatan haysano”.

“Waxa jira xiddigo da’yar ah oo soo baxaya kuwaas ayaan doonaynaa in aan muhiimada siino”ayuu sii raaciyay.

“Dabcan waan la soconaa suuqa kala iibsiga aniga iyo Richard si fiican ayaan u doonaynaa in aan horumarino kooxda”.

“Lama filaan ayay noqon doontaa hadii ayna xiddigo cusub kooxda iman”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga