Tababaraha Chelsea, Liam Rosenior, ayaa maanta hore wax laga weydiiyay haddii kooxda ay mashquul ku noqon doonto suuqa kala iibsiga bisha Janury.
“Waxaan u maleynayaa haddii aan wax sameyno, inay noqoto ciyaaryahanka saxda ah,” ayuu yiri.
“Waxaan u baahanahay samir. Waxaan rabaa inaan qiimeeyo kooxdan. Arrintaas aad bay iigu muhiim tahay”
“Weli waqti ayaan haysannaa. Aniga iyo maamulka waxaan maalin kasta ka wada hadalnaa suurtagalnimada kala iibsiyo, kuwa baxaya iyo kuwa imanaya labadaba”
“Laakiin isla markaas, waa inaan diiradda saaraa ciyaartoyda hadda kooxda ku jira. Haddii aan dareemo in waqtigu sax yahay ama ciyaaryahanku sax yahay, markaas ayaan go’aankaas qaadan doonaa.”
Be the first to comment