TAARIIKH: Toddobo Xul Carbeed Oo U Soo Baxay Koobka Adduunka 2026

Isreeb-reebka koobka adduunka ee FIFA 2026 wuxuu dhaliyey dhacdo taariikhi ah oo aan hore loo arag, kadib markii toddobo xul qarameed oo Carbeed u soo baxeen ciyaaraha kama dambaysta ah ee koobka adduunka.

Xulalka Sucuudiga Iyo Qatar ayaa ugu dambeeyay xulalka ka soo jeeda dalalka Carabta ee u soo baxay koobka adduunka 2026.

Sidaas darteed, tirada xulalka Carabta ee ka qaybgalaya Koobka Adduunka 2026 waxay gaartay 7 dal, taasoo ah markii ugu horreysay ee taariikhda tartanka caalamiga ah ay tiro intaa le’eg oo Carab ah ka qaybqaataan.

Waxaa weli jirta fursad uu xul sideedaad oo Carbeed uga mid noqon karo koobka, iyadoo Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE) iyo Ciraaq ay ciyaari doonaan laba kulan oo kala bax ah 13 Iyo 18 Bisha November si uu midkood ugu gudbo is reeb-reebka caalamiga ah iyaga oo raadinaya tigidhkooda ka qayb galka koobka adduunka sanadka dambe.

Tiradan rikoodhka ah ee xulalka Carabta ayaa sabab u ah kororka tirada dalalka ka qaybgalaya koobka adduunka oo la gaarsiiyay 48 xul markii ugu horreysay, taasoo suurtagal ka dhigtay in qaarado badan si ballaaran looga wakiil noqdo.

Xulka Jordan ayaa noqday xulkii ugu horeeyay ee xaqiijiyay ka qayb galkiisa koobka adduunka soo socda Morocco, Tunisia, Masar, iyo Algeria halka ay sidoo kale ku soo biireen dalalka Sucuudiga Iyo Qatar.

Waa in la ogaadaa in tani ay tahay markii toddobaad ee Saudi Arabia ay u soo baxdo koobka adduunka, halka ay tahay markii labaad ee Qatar ka qaybgasho, iyadoo markii hore martigelisay tartankii 2022. Dhinaca kale, waa markii ugu horreysay ee xulka Jordan uu u soo baxo.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga