Taariikh: Mohamed Salah Oo Taariik U Sameeyay Liverpool.

Xiddiga Liverpool ee Mohamed Salah ayaa taariikh u sameeyay kooxdiisa kulankii champions League ee ay guuldarada kala kulantay Galasaray.

Salah ayaa ku bilowday kulanka waxana uu isla markiiba sameeyay taariikh inkasta oo kooxdiisu guuldaro la kulantay.

Mohamed Salah ayaa noqday xiddiga kulamada ugu badan u ciyaaray Liverpool tartamada yurub taariikhda kooxda.

Salah ayaa u ciyaaray Liverpool 81 kulan tartamada yurub tan ilaa markii uu yimid kooxda.

Xiddiga reer Masar ayaa jabiyay rikoodhka oo uu horay u haystay Halyeeyga kooxda ee Jamie Carragher kaas oo kooxda u saftay 80 kulan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga