Dominik Szoboszlai ayaa raalli-gelin ka bixiyay qaladkii uu sameeyay, kaas oo sababay in Liverpool Laga dhaliyo Gool Kulankii FA Cup.
Szoboszlai wuxuu dhaliyay gool qurux badan wax yar ka hor intaanu si yaab leh gool u hibayn Barnsley oo ka ciyaarta League One, inkastoo Reds ay ku badiyeen 4–1.
Ciyaaryahanka xulka Hungary ayaa dib u soo laabtay si uu u difaaco kadib markii kubbad loo dhex bixiyay Adam Phillips oo ka tirsan Barnsley.
Wuxuu ka dheereeyay ciyaaryahankii ka soo horjeeday, kubbaddana dib ayuu u hantiyay isaga oo gudaha u galay aagga ganaaxa ee kooxdiisa, una muuqday mid khatarta si fiican u xallinaya.
Si kastaba ha ahaatee, inkastoo uu kubbadda si buuxda u haystay isla markaana uu haystay waqti ku filan oo uu ku bixiyo, haddana wuu go’aansaday in uu kubada Goolhayihiisa ugu celiyo cidhib dambe taas oo keentay in uu Xiddig Barnsley ah dhaliyo Gool.
Xiddiga ayaa bixiyay raali galin uu siiyay Saxiibada ay isku kooxda yihiin iyo taageerayaasha kooxda.
Szoboszlai ayaa u sheegay TNT Sports kulanka kadib: “Mar kale waan ka raalli galiyay kooxda, qalad fudud ayaan sameeyay oo aan nagu adkeeyay xaaladda.”
“Laakiin haa, kubadda cagta waa sidaas, wax walba way dhacaan. Waan ka gudbaynaa, annaga ayaana u gudbayna wareegga xiga.”
Be the first to comment