Supercomputer Oo Sameeyay Saadaashii Ugu Dambaysay Ee Kooxda Ku Guulaysan Doonta Premier Legaue.

Kaliya waxa dhiman 6 kulan oo lagu go’aamin karo kooxda ku guulaysan doonta horyaalka premier League xillli ciyaareedkan ka hor bilowgii todobaadkan, Man City ayaa baacsanaysay kooxaha Arsenal iyo Liverpool iyada oo Gunners farqiga goolasha ku hogaaminaysay horyaalka premier League.

Si kasta ha ahaatee guushii 5/1 ahayd ee ay City ka gaadhay Luton ayaa ka caawiysay in ay hogaanka u qabtaan horyaalka ka hor inta ayna Arsenal iyo Liverpool guuldaro kala kulmin kooxaha Palace iyo Aston Villa.

Ka hor 6-da kulan ee ugu horeeya horyaalka, Supercomputer ayaa saadaaliyay kooxda ku guulaysan doonta horyaalka premier League.

Supercomputer ayaa Man City u saadaaliyay in ay horyaalka ku qaado hal dhibic xilli ciyaareedkan.

Arsenal ayaa loo saadaaliyay kaalinta 2-aad oo ay ku gali doonto 85 dhibcood.

Sidoo kale Liverpool ayaa loo saadaaliyay in ay 84 dhibcood ku gali doonto kaalinta 3-aad ee kala saraynta.

Here's how the final table will look, according to the Supercomputer

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga