Supercomputer Oo Saadaaliyay Xiddigaha Ku Guulaysan Kara Kabta Dahabka Ah Ee Euro 2024.

Kulanka ugu horeeya ee tartanka Euro 2024 ayaa la ciyaari doonaa caawa iyada oo Germany marti galin doono xulka Scotland kulan ka dhacaya Allianz Arena.

Iyada oo tartanku bilowday waxa la filayaa in la ciyaaro kulamo xiiso leh oo si weyn loo daawan oono.

Marka laga yimaado ku guulaysiga koobka waxa jiri doona xiddigo raadin doona ku guulaysiga gooldhalinta tartanka.

Xiddigo ay ka mid yihiin Alan Shearer, Cristiano Ronaldo & Patrick Kluivert ayaa horay ugu guulaystay kabta dahabka ah ee gooldhalinta tartanka yurub.

Supercomputer Ayaa saadaaliyay xiddiga ku guulaysan doona kabta dahabka ah ee gooldhalinta tartanka Euro 2024.

Xiddigaha Kylian Mbappe, Harry Kane, Cristiano Ronaldo, Romelu Lukaku Iyo Jude Bellingham ayuu Supercomputer u saadaaliyay abaalmarinta tartanka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga