SuperComputer Oo Saadaaliyay Kooxda Ku Guulaysan Doonta Premier League Kadib Markii Arsenal Dhibco Lumisay Man City-na Badisay

Opta SuperComputer ayaa saadaaliyay kooxda ku guuleysan doonta horyaalka Premier League, kadib usbuuc kale oo ciyaaro xiiso leh.

Arsenal, oo u muuqatay inay si buuxda ula wareegtay hoggaanka horyaalka, ayaa la joojiyay kadib barbaro 2-2 ah oo ay la galeen Sunderland.

Maalin kadib, Manchester City ayaa garaacday Liverpool 3-0, taas oo yaraysay farqiga dhibcaha ee u dhexeeya iyaga iyo Gunners afar dhibcood oo kaliya.

Kooxda Liverpool ayaa hoos ugu dhacday kaalinta siddeedaad iyadoo leh 18 dhibcood.

Opta ayaa weli aaminsan in Arsenal ay ku guuleysan doonto horyaalka, iyadoo siisay fursad dhan 65.49%,

Kooxda Gunners ayaa lagu qiyaasay inay gaari doonto 80 dhibcood dhammaadka xilli ciyaareedka, taasoo noqon doonta tirada afraad ee ugu hooseysa ee koox horyaal ku qaado taariikhda Premier League.

Liverpool ayaa hadda lagu dejiyay kaalinta saddexaad ee saadaasha cusub ee Opta.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga