SuperComputer ayaa saadaaliyay in Arsenal ay ku guuleysan karto UEFA Champions League sanadkan markii ugu horreysay taariikhdeeda.
Tani waxay imaaneysaa iyadoo Gunners-ku ay la kulmeen hoos u dhac dhawaanahan, kadib markii ay ku guuldareysteen Carabao Cup iyo FA Cup.
Kooxda uu hogaamiyo Mikel Arteta ayaa u safreysa Sporting CP lugta hore ee wareega siddeed dhammaadka Talaadada.
Opta waxay siisay Arsenal fursad dhan 27.7% inay ku guuleysato koobka, taasoo ka sarreysa Bayern Munich oo leh 20.9%.
Dhanka kale, Bayern Munich ayaa marti u noqon doonta Real Madrid lugta hore ee quarter-final-ka Talaadada.
SuperComputer ayaa sidoo kale saadaaliyay in Arsenal ay la ciyaari doonto Barcelona semi-final-ka, iyadoo kooxda uu tababaro Hansi Flick ay tahay kooxda labaad ee ugu cadcad sideeda kooxood ee harsan si ay uga gudubto wareega quarter-final-ka (68.0%).
Be the first to comment