Fursadaha Liverpool ee ku guuleysiga horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan ayaa 10 jeer ka badan sidii ay ahayd bilowgii xilli ciyaareedka.
Taasi waa sida uu qabo Opta supercomputer, kaas oo adeegsaday xogta iyo qaab ciyaareedka waxana uu saadaaliyay kooxda ku guulaysan doonta premier League.
15-kii August, maalin ka hor inta uusan furmin xilli ciyaareedka, Liverpool ayaa lagu qiyaasay inay heysato kaliya 5.1 boqolkiiba fursad ah inay ku guuleysato horyaalka.
Wakhtigaas Man City ayaa si weyn ugu cad-cadayd ku guulaysiga premier Leageu halka ay Arsenal ahayd kooxda 2-aad ee ku xigta.
Kooxda uu hogaamiyo Arne Slot ee Liverpool ayaa haatan hogaanka u haysa horyaalka kadib markii ay 28 dhibcood ka heshay 11kii kulan ee furitaanka.
Dhanka kale, City ayaa laga badiyay afar kulan oo xiriir ah tartamada oo dhan markii ugu horeysay waagii Pep Guardiola, waxaana ay shan dhibcood ka hooseeyaan Liverpool.
Kooxda Arsenal ayaa 18 dhibcood oo kaliya ka heshay 10 kulan – inkastoo Gunners ay ku dhawaan karto Man City hadii ay badiso kulanka chelsea.
Opta supercomputer ayaa hadda ku qiyaasaya in Liverpool ay 59.3% fursad u haysato hanashada horyaalka.
City ayaa hadda ah kooxda labaad ee ugu cadcad 36.2% suurtogalnimada ah, halka Arsenal fursadeeda ay hoos ugu dhacday 4.1%.
Be the first to comment