Opta SuperComputer ayaa saadaalisay kooxaha haysta fursadaha ugu badan ee ku guuleysan kara Champions League xilli ciyaareedkan.
Tani waxay timid kadib markii la soo gabagabeeyay isku aadka wareegga 16-ka (Last-16) maalintii Jimcaha.
Manchester City waxay mar kale la ciyaari doontaa Real Madrid, halka Paris Saint-Germain ay wajahayaan Chelsea kulamada ugu xiisaha badan.
Arsenal waxaa lagu aaday Bayer Leverkusen, halka Newcastle ay la ciyaari doonto Barcelona.
Opta waxay siisay Arsenal 27.4% fursad ay ku qaadi karto koobka. Bayern Munich, oo la ciyaari doonta Atalanta, waxay leedahay 14.3% fursad.
Liverpool waxaa la siiyay 12.8% suurtagalnimo, halka Manchester City ay leedahay 10.8% fursad.
Fursadaha ku guuleysiga Champions League sida uu sheegay Opta:
Arsenal – 27.4%
Bayern Munich – 14.3%
Liverpool – 12.8%
Man City – 10.8%
Barcelona – 7.7%
Chelsea – 6.9%
Be the first to comment