Super Computer Oo Saadaaliyay Xulka Ku Guulaysan Doona Koobka Africa.

Super Computer ayaa saadaaliyay dalka ku guuleysan doona Koobka Qaramada Afrika ee 2025.

Tartanku wuxuu galay heerka afar-dhamaadka (semi-final), waxaana harsan afarta kooxood ee kala ah Masar, Nigeria, Senegal iyo Morocco oo ah martigelinaysa tartanka.

Arbacada, kulanka ugu horreeya wuxuu dhex mari doonaa Senegal iyo Masar, si ay ugu dagaallamaan booska kama dambaysta ah (final), halka Nigeria ay isla habeenkaas la ciyaari doonto martigeliyeyaasha Morocco.

Super Computer waxay Morocco siisay 37% fursad ah inay ku guuleysato koobka iyagoo ku ciyaaraya garoonkooda, halka Senegal la siiyay 28% fursad.

Kooxda Super Eagles (Nigeria) waxaa la siiyay 25% fursad ay ku hanan karto koobkoodii afraad, halka Masar la siiyay 13% fursad.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga