Halyeeyga Ingiriiska ee Steven Gerrard ayaa ka digay in Michael Carrick uu shaqadiisa waayi karo inta lagu jiro fasaxa xulalka, haddii Manchester United ay Axadda guul-darro kala kulanto Aston Villa.
Inkastoo guushii 3-2 ahayd ee ay ka gaareen Roma ay dejisay cadaadiskii ka dhashay guul-darrooyinkii Como, Bournemouth iyo Chelsea, Gerrard ayaa TNT Sports u sheegay in guul-darro kale oo ka horreysa fasaxa xulalka ay xaaladda ku adkeyn doonto Carrick, maadaama kooxdu aysanwax guul ah gaarin sagaal kulan oo horyaalka ah.
Si kastaba, Gerrard ayaa xusay in Carrick uusan ahayn dhibaatada ugu weyn ee taalla Old Trafford.
Wuxuu farta ku fiiqay maamulka sare iyo ciyaartoyda oo uu ku eedeeyay wax-soo-saar la’aan, isagoo xusay in tababarayaal badan oo soo maray kooxda shantii sano ee u dambeysay ay ku fashilmeen inay xaaladda wax ka beddelaan marka laga reebo Jose Mourinho.

