Halyeeyga Liverpool, Steven Gerrard, ayaa difaacay Florian Wirtz oo dhaleeceyn kala kulmaya qaab ciyaareedkiisa, isagoo aaminsan in xiddiga reer Jarmal uu u baahan yahay taageero iyo kalsooni si uu ula qabsado kooxda.
Gerrard ayaa sheegay in Wirtz uu ku fiicnaan lahaa booska lambarka 10-aad, halkaas oo uu kaga ciyaari jiray Bayer Leverkusen. Waxa uu sidoo kale aaminsan yahay in joogitaanka Mohamed Salah, Sadio Mané iyo Roberto Firmino ay ka caawin lahayd inuu si wanaagsan uga dhex muuqdo Liverpool.
Liverpool ayaa 3-0 looga badiyay Manchester City kulankii Axaddii, iyadoo Wirtz uu weli wajahayo cadaadis la xiriira waxqabadkiisa.
Gerrard ayaa ku adkeystay in Wirtz uu leeyahay tayo iyo karti weyn, isla markaana ay xilli hore tahay in si kama dambays ah loogu xukumo. Si kastaba, waxa uu sheegay in ciyaaryahanku u baahan yahay inuu kor u qaado heerkiisa, halka tababaraha iyo ciyaartoyda waaweyn ee kooxda laga doonayo inay ka caawiyaan inuu dib u helo kalsoonidiisa.

