Spain oo Modric & Croatia oo ka jawaabtay hadaladii Modric & Xogtii ugu dambeysay

0

Tababaraha xulka Spain, Luis de la Fuente, ayaa ka hadlay kulanka ay Spain la ciyaarayso Croatia ee Nations League, isagoo sidoo kale faahfaahin ka bixiyay xaaladda xiddiga da’da yar ee Lamine Yamal.

De la Fuente ayaa sheegay in guuldarradii Croatia ee 7-0 looga qaaday England ay ahayd dhacdo aad u naadir ah oo kubadda cagta ah. Wuxuu tusaale u soo qaatay guuldarradii Brazil 7-1 looga qaaday Germany Koobkii Adduunka 2014 iyo Spain oo Germany 6-0 ku garaacday.

Advertisment

Dhanka Lamine Yamal, De la Fuente wuxuu caddeeyay in ciyaaryahanka Barcelona uusan ciyaari doonin wax ka badan 270 daqiiqo inta lagu jiro kulamadan Nations League. Tababaraha ayaa sheegay in Yamal iyo Aymeric Laporte ay ilaa hadda ciyaareen waqti u dhigma laba kulan oo buuxa, sidaas darteed aysan ciyaartoydu dhaafi doonin xadkaas.

De la Fuente ayaa sidoo kale sheegay in Yamal uu diyaar u yahay kulanka Croatia, isla markaana uu yahay ciyaaryahan muhiim ah oo leh tartan iyo rabitaan weyn. Si kastaba, go’aanka ciyaarsiintiisa waxaa lagu saleyn doonaa xaaladdiisa jireed iyo waxa kooxda u wanaagsan.

Tababaraha Spain ayaa sidoo kale dhaliilay jadwalka Nations League, isagoo sheegay in afar kulan lagu ciyaaro 10 maalmood gudahood ay aad u badan yihiin, balse uu xusay in Spain ay la qabsan doonto nidaamka jira.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here