Slot: Qaab ciyaareedka Fiican Ee Salah Halkan Arin Ayuu Sabab U Noqonayaa.

Qaab ciyaareedka cajiibka ah ee Mohamed Salah ayaa Liverpool ku qasbi doonto in ay Heshiis Cusub ka saxiixato xiddiga Xiddiga sida uu xaqiijiyay Arne Slot.

Salah ayaa dhaliyay 30 gool waxaana loo diwaan galiyay 21 caawin xilli ciyaareedkan taas oo ka dhigan tiro cajiib ah – laakiin xiddiga reer Masar ayaa qandaraaskiisu dhacayaa xagaaga iyada oo aan wali wax xal ah la gaarin.

Liverpool ayaa doonaysa in ay heshiiska u kordhiso laakiin wax heshiis ah may gaadhin iyada oo Salah marar badan sheegay in uu doonayo in uu sii joogo kooxda.

Slot ayaa ku kaftamay in qaab ciyaareedkiisu uu kaliya xoojinayo gacanta Salah ee miiska wadahadalka.

“Waxaad u eegi kartaa labada dhinacba” ayuu yiri Slot.

“Mar walba oo uu qaab ciyaareed fiican Soo bandhigo waxa kor u kacaya qiimihiisa, hadii uuna si fiican u ciyaarayn way adkaan lahayd in aan Heshiis Cusub u Soo bandhigno”.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga