
Cody Gakpo ayaa ku dhow inuu ka soo laabto dhaawac laakiin diyaar uma noqon doono kulanka Liverpool ee Aston Villa sida uu xaqiijiyay Slot.
Weeraryahanka qaab ciyaareedka fiican ku jira ayaa dhaawac fudud soo gaadhay kulankii ay bar-baraha 2/2 ah la galeen Everton waxana uu seegay kulankii Wolves.
Waxaa jirtay rajo ah in Gakpo uu ka soo kabsan karo jugtii soo gaartay kulankii Villa Park bartamihii isbuuca, laakiin Slot ayaa xaqiijiyay inuusan diyaar noqon doonin.
Reds ayaa Xaalada fiican ku jirta iyada oo Gomez yahay xiddiga kaliya ee ku maqan dhaawac wakhti fog ah.
Daafaca ayaa ka soo laabtay dhaawacii kulankii FA Cupka ee ay u safartay Plymouth Argyle wuxuuna dhaawac muruqa ah uga baxay isla kulankaas.
Slot ayaa sheegay in xiddiga heerka caalami ee dalka England uu maqnaan doono dhowr toddobaad, inkastoo uusan gomez ka saarin inta ka dhiman xilli ciyaareedka.
“Waxaan u maleynayaa in labaduba aysan diyaar ahayn berri,” Slot ayaa u sheegay shir jaraa’id ka hor ciyaarta subaxnimadii Saaka oo salaasa ah.
“Cody wuxuu ku dhow yahay inuu soo laabto Joe wuxuu qaadan doonaa waqti dheer. Wuxuu maqnaanayaa toddobaadyo badan sababtoo ah dhaawac muruqa ah”.
Be the first to comment