Slot Oo Sharaxay Sababtii Uu U Badalay Alexander Isak Kulankii Frankfurt, Dhaawac Miyaa Jira?!

Tababaraha reer Holland ee Liverpool, Arne Slot, ayaa walaac ku abuuray taageerayaasha Reds kaddib markii weeraryahanka Alexander Isak uu dhaawac soo gaaray intii lagu jiray kulankii ay kooxdu la ciyaartay Eintracht Frankfurt fiidnimadii Arbacadii, kaasoo ay Liverpool ku badisay 5-1, tartanka Champions League.

Isak ayaa garoonka laga saaray intii u dhexeysay labada qaybood ee ciyaarta, taas oo ahayd ciyaartii ay kooxda casaan ah jebisay silsiladdii guuldarrooyinka ee afarta kulan ee isku xigay. Tababare Slot ayaa sheegay kaddib kulanka in beddelka Isak uu sabab u ahaa “xanuun yar” oo uu ka dareemayay miskaha.

Arne Slot, tababaraha kooxda Liverpool, ayaa sida uu sheegay wargeyska The Independent ee Britain, yiri:

“Isak waa uu qasbanaaday inuu garoonka ka baxo qeybtii hore ee ciyaarta, sababtoo ah waxa uu dareemay xanuun, Waxaan hore u sheegay in ay adag tahay in la helo isu dheelitirnaan marka ciyaaryahan uu garoomada ka maqnaa muddo saddex bilood ah. Waxaan isku dayeynaa inaan si tartiib tartiib ah ugu soo celinno ciyaaraha”.

Slot ayaa hadalkiisa sii watay:

“Waxaa jira dood ku saabsan inta daqiiqo ee Isak uu ciyaari karo, maanta waxaan gelinay kulankii labaad ee saddex maalmood gudahood ah, sidaas darteed waa sababta uu garoonka uga baxay. Waxaan rajaynaynaa inuu si degdeg ah u bogsado, balse waa xaalad adag in la helo isu dheelitirnaan sax ah.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga