
Arne Slot ayaa xaqiijiyay inuu Ibrahima Konate ka saaray waqtigii nasashada kulankii Wolves sababtoo ah wuxuu ka baqay in daafaca Liverpool casaan la siiyo haddii uu garoonka ku sii jiro.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka France ayaa loo taagay kaadhka digniinta kadib markii uu qalad ku galay islamarkaana uu kubada laaday,waxana uu lumiyay kubad heysashada goolkii seddexaad ee weerarka.
Konate ayaa markii dambe ka fogaaday in la siiyo jaale labaad wax ka yar 10 daqiiqo ka dib markii uu khalad ku galay Matheus Cunha, iyadoo daafaca Wolves Emmanuel Agbadou laftiisa la siiyay kaarka hurdiga ah ka dib markii uu ku adkeystay in daafaca dhexe ee Reds ay ahayd in la ciyaarta Laga saaro.
Tababare Slot ayaa sheegay in uu qaatay Go’aanka ah in uu ciyaarta la saaro daafaca markii uu ka badbaaday in ciyaarta lag saaro.
“Waxan go’aansaday in aan ciyaarta ka saaro Konate sababtoo ah in aan ka cabsanay in casaanka loo taago”.
Be the first to comment