Slot Oo Sharaxay Sababta Uu U Dooran Doono Iska Xitaa Hadii Ay Jiraan Xiddigo Taam Ah.

Arne Slot ayaa sheegay inuu laga yaabo inuu ku bilaabo Alexander Isak, xitaa haddii ay jiraan weeraryahanno Liverpool ah oo si buuxda u diyaarsan, si uu fursad ugu siiyo saxiixa £125 milyan inuu ku helo waqti ciyaareed oo uu dib ugu soo ceshto qaabkiisii fiican ee Newcastle.

Isak waxa uu samayn karaa ciyaartiisii ugu horreysay ee Liverpool muddo bil ah Sabtida, markay Nottingham Forest martigelinayaan, kaddib markii uu ka soo kabsaday dhaawac muruqa ah oo ku gaaray ciyaartii Eintracht Frankfurt 22-kii Oktoobar.

Slot waxa uu rajaynayay in 26-jirku uu heli doono diyaar-garroow ciyaareed inta lagu jiray ciyaarihii caalamiga ahaa, balse wuxuu ciyaaray oo kaliya 28 daqiiqo guuldarradii Sweden ka qaadatay Switzerland, wuxuuna ka maqnaaday kulankoodii Slovenia si looga fogaado halista uu kaga ganaaxmi lahaa isreeb-reebka Koobka Adduunka ee sanadka dambe.

Slot waxa uu wajahaya dhibaatooyin dhanka dhaawacyada ah, wuxuuna filayaa inuusan helin labada garab-midigeed ee Conor Bradley iyo Jeremie Frimpong dhowr toddobaad. Florian Wirtz sidoo kale kama qeyb geli doono kulanka Forest, maadaama uu dhaawac muruq ah ka soo gaaray xulkiisa Jarmalka.

In Isak loo soo celiyo heer ciyaareed fiican kaddib bilow aan qancin oo uu ka sameeyay Liverpool weli waa mudnaanta koowaad. Slot-na waxa uu qirayaa in laga yaabo inuusan haysan wax kale oo uu sameeyo marka laga reebo inuu doorto laacibka ugu qaalisan ee kooxda, inkasta oo ay jiraan xulashooyin kale oo si buuxda u diyaarsan sida Hugo Ekitiké.

“Kooxdani way awoodi kartaa, waana u ciyaari doontaa si ka wanaagsan haddii aad siiso waqti yar oo dheeri ah,” ayuu yiri macallinka.

“Waxan samayn karnaa horumat koox ahaan, hubaalna waxaann samayn doonaa horumar shaqsiyas ahaan, sababtoo ah ciyaartoygu waxay si fiican ula qabsan doonaan horyaalka. Alex wuxuu ugu dambayn noqon doonaa ciyaaryahankii uu ka ahaa Newcastle haddii aan helno inuu si buuxda u diyaarsan yahay. Taasina waxay qaadan doontaa waqti yar.”

Slot ayaa ku daray: “Subaxnimadii maanta waxaan la yeelanay wada-hadal shaqaalaha qeybta diyaar-garowga oo ku saabsan habka ugu fiican ee Alex — ma aha Liverpool — loogu gaarsiin karo 100% sida ugu dhaqsaha badan. Mar kasta waa inaan helo isku dheelitirnaanta u dhaxaysa waxa ugu wanaagsan isaga shaqsi ahaan iyo annaga koox ahaan.”

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga