
Arne Slot ayaa si adag u dhaleeceeyay mid ka mid ah xiddigaha Liverpool, isagoo ku tilmaamay inuu ahaa mid aan faa’iido lahayn kadib markii uu sameeyay go’aan qaldan oo horseeday goolka guusha ee Crystal Palace.
Kulankii ka dhacay galabtii Sabtida Selhurst Park, oo ahaa mid u dhexeeyay labada kooxood ee kaliya aan laga badin Premier League xilli ciyaareedkan, Palace ayaa hoggaanka haysay muddo 87 daqiiqo ah ka hor inta uusan Federico Chiesa helin goolka barbaraha oo u muuqday inuu badbaadinayo dhibic dahabi ah oo ay Liverpool ka heli karto ciyaarta.
Laakiin waxaa dhacday masraxo ciyaareed cajiib ah daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta, iyadoo Eddie Nketiah uu si dagan u dhigay kubadda shabaqa Alisson dhammaadkii ciyaarta — daqiiqaddii 97-aad — si uu saddexda dhibcood ugu xaqiijiyo Palace.
Goolka guusha ayaa yimid markii Marc Guehi uu kubad madax ah si fiican ugu sii dhigay Nketiah oo aan cidna ilaalinaynin, kaasoo kubadda si degan ugu qaatay laabta ka hor inta uusan si xirfad leh u dhigin shabaqa.
Markii uu qiimeynayay sida Crystal Palace ugu suurtagashay inay jabiso difaaca Liverpool daqiiqadihii ugu dambeeyay, Arne Slot ayaa sharaxay in “mid ka mid ah ciyaartoydeena” uu ka tegay booskiisii difaaca si uu u istaago meel uu ka bilaabi lahaa weerar rogaal celis ah — taasoo uu Slot ku tilmaamay howl aan wax faa’iido ah lahayn maadaama ciyaartu ay ku dhowdahay dhammaad.
Tababaraha Liverpool ayaa muujiyay inuu ka niyad jabay go’aankaas, isagoo u arkayay mid si toos ah gacan uga geystay goolka guuldarada keenay. Slot ma uusan magacaabin ciyaaryahanka si toos ah, balse waxaa cad in qaladkaasi dhaliyay fursaddii Palace ay goolka guusha ka heleen.
“Kaliya waa in aan canaanano nafteena Sida aan u difaacanay waa mid aan la aqbali karin,” ayuu yiri Arne Slot.
“Mid ka mid ah ciyaartoydeena ayaa go’aansaday inuu orod uga baxo booskiisii difaaca sababtoo ah wuxuu rabay inuu bilaabo weerar rogaal celis ah, taasoo aan wax faa’iido ah lahayn maadaama waqtigu dhammaanayay,” ayuu yiri Arne Slot.
“Waxay ahayd arrin kaliya ku saabsan difaacasho. Waxaa laga yaabaa inaan maskax ahaan u jahaynay weerar xad dhaaf ah. Hal ciyaaryahan ayaa si xad dhaaf ah ugu fikirayay weerar daqiiqadaas, taasina waxay sababtay in ay goolka guusha naga dhaliyaan, annagana aan ciyaarta lumino,” ayuu sii raaciyay.
Be the first to comment