Slot Oo Magacaabay Laba Kooxood Oo Ka Adag Arsenal Ka Hor Bilaabashada Xilli Ciyaareedka Cusub.

Tababaraha kooxda Liverpool Arne Slot ayaa magacaabay laba kooxood oo Premier League ah kuwaas oo uu dareemayo in ay ka adag yihiin in ay la ciyaaraan marka loo eego Arsenal.

Gunners ayaa ku dhameysatay kaalinta labaad ee horyaalka xilli ciyaareedkii hore, labada kooxood ayaana u muuqda inay mar kale ku tartami doonaan horyaalka xilli ciyaareedka 2025-26.

Xili ciyaareedka cusub ee Premier League ayaa bilaabmaya jimcaha iyada oo kooxda haatan difaacanaysa ee Liverpool ay Anfield ku soo dhawaynayso Bournemouth.

Bournemouth Ayaa ku dhamaystay kaalinta 9-aad premier League xilli ciyaareedkii hore waxana uu Slot sheegay in ay kooxda Bournemouth tahay kooxda uGu adag si la mid ah Newcastle marka loo eego Arsenal.

“Bournemouth waa kooxdii ugu adkayd aan la ciyaarno”Slot ayaa yidhi ka hor kulanka khamiista.

“Waxa ku xigta Newcastle kuwaas oo ka ah Arsenal”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga