Liverpool ayaa sugaysa inay ogaato darnaanta dhaawacii ku qasbay Trent Alexander-Arnold ku qasbay in uu ka boxo kulankii ay kooxdiisu 2/0 uga badisay kooxda Bournemouth.
Xiddiga ayaa la badalay daqiiqadii 70-aad kulankii ka dhacay Vitality Stadium ka dib markii uu jug soo gaaray, taasoo hadda u baahan doonta qiimeyn dheeri ah oo ay sameeyaan shaqaalaha caafimaadka kooxda.
Arne Slot ayaa u sheegay shirkiisa jaraa’id ee ciyaarta ka dib: “Xaaladdu waxay ahayd inuu igu yidhi, ‘Waa inaad iga saartaa’ oo dhulka ayuu fadhiistay, waananu ka saarnay”.
“Waxa uu dareemay wax, anigu kuma sheegi karo waxa dhabta ah iyo sida ay u xun tahay dabcan sababta oo ah waxa aanu joognaa hal saac ka dib ciyaarta, laakiin marnaba calaamad fiican maaha hadii ciyaaryahan uu badal dalbado”.
Be the first to comment