Slot Oo Ka Hadlay Kulanka Adag Ee Champions League.

Tababaraha kooxda Liverpool Arne Slott ayaa qabtay shir jaraa’id oo uu kaga hadlay kulanka soo socda ee Champions League ee Salaasada kaasoo ah wareegga koowaad ee nidaamka cusub ee champions League.

Liverpool ayaa garoonkeeda San Siro ku marti galin doonta kooxda ay xifaaltamaan ee Milano wareega hore ee tartanka champions league.

Slot oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waxaan u maleynayaa in tani ay tahay markii ugu horeysay ee dhalashadayda aysan muhiim ahayn berrito , waa ciyaar aanu sugayno samir la’aan”.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: “Waxaan qabaa in dhamaan ciyaartoyda kooxdu ay door muhiim ah ku leeyihiin, ciyaaryahan walba marka uu ciyaarayo wuxuu dareemaa inuu muhiim yahay, ciyaaryahan waliba doorkiisa ayuu leeyahay, qof walbana wuu ka qeyb qaadan doonaa”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga