Slot Oo Fariin U Diray Kooxaha La Tartamaya Liverpool.

Tababaraha kooxda Liverpool ee Arne Slot ayaa uga digay kooxaha Premier League Iyo waliba yurub kooxdiisa isaga oo sheegay in ay kooxdiisu ka sii fiicnaan doonto sida ay haatan tahay.

Liverpool ayaa 4/0 ku garaacday Tottenham waxana ay iska xaadirisay Final-ka tartanka Carabao Cup-ka.

Kooxda Merseyside-ka ayaa noqon doonta kooxda ugu cadcad bandhiga soo socda ee ay wajahayaan Newcastle United sidoo kale waxa ay wali ku tartamayaan premier League, champions League Iyo FA Cup-ka.

Laakiin Slot ayaa sheegaya in ay kooxdiisu wali ka sii fiicnaan doonto sida ay haatan tahay.

“Waxaa jira laba sababood oo aan u sii xoogaysanayno”ayuu yidhi Slot.

“Ugu horeyn, haddii aad marar badan wada ciyaartaan si fiican ayaad u garaneysaa waxa la filayo”.

“Marka aad in badan wada ciyaartaan isla markaas tababar badan wada qaadataan waxa aad noqonaysaan kuwo si fiican isku garanaya”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga