Sir Laga Heshiiska Uu Mbappe Ugu biiray Real Madrid

-

Real Madrid ayaa ugu dambeyn ku dhawaaqday saxiixa Kylian Mbappe, iyadoo soo afjartay murankii ka taagnaa mustaqbalkiisa.

Mbappe ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay ku biirista Real Madrid, wuxuuna tilmaamay inuu ku riyoonayay tallaabadan muddo dheer.

Sida lagu sheegay warbixin ay daabacday Football Spain oo soo xiganaysa Relivo, Perez ayaa tan iyo xagaagii hore u sheegay Ancelotti in kooxdu ay la soo wareegi doonto Mbappe.

Warbixinta ayaa lagu macneeyay in Perez uu u sheegay Ancelotti in kooxdu aysan la soo saxiixan doonin weeraryahan cusub si uu u buuxiyo booska uu banneeyay bixitaankii Benzema, sababtoo ah dhammaan kharashka la heli karo ayaa loo isticmaali doonaa dhamaystirka heshiiska Mbappe.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in Ancelotti uu doonayay saxiixa Harry Kane, laakiin Perez ayaa doorbiday inuu waqtigiisa qaato si uu u dhamaystiro heshiiska Mbappe.

Sida qof walba la og yahay Perez wuxuu doortay inuu amaah kula soo saxiixdo Joselu Mata si uu u ciyaaro booska weerarka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga