Sir Alex Ferguson ayaa si shaqsi ah u taageeray Massimiliano Allegri inuu yahay musharraxa ugu habboon inuu qabto xilka Manchester United haddii Erik ten Hag laga qaado xilkiisa.
Erik Ten Hag ayuu shaki ku jiraa mustaqbalkiisa kadib guuldaradii kooxda ka soo gaadhay Tottenham kulan ka tirsanaa premier League.
Waxa jira tababarayaal badan oo lala xidhiidhinayo tababarayaal ay ka mid yihiin Graham Potter, Gareth Southgate & Thomas Tuchel.
Sida laga soo xigtay wargayska Gazzetta dello Sport, Red Devils ayaa isha ku haysa Simone Inzaghi kaas oo ay u aragto tababaraha ugu fiican ee hogaamin kara kooxda.
Si kasta ha ahaatee Sir Alex Ferguson oo ah tababaraha ugu wakhtiga dheer kooxda ayaa maamulka kooxda kula taliyay Allegri.
Allegri ayaa bilaa shaqo ah tan ilaa markii uu ka tagay kooxda Juventus waxana uu bilaashaqo yahay tan ilaa wakhtigaas.
Be the first to comment