
Liverpool ayaa ku sii dhawaanaysa in ay ku guulaysato horyaalkeedii 20-aad ee Premier League, waxaana la xaqiijin karaa in ay horyaalka ku guulaysan doonto isla caawa.
Inkasta oo ay Liverpool ku dhibaatootay qaab ciyaareedka kulamadii ugu dambeeyay hadana waxa ka faa’iidaysan Wayday Arsenal oo dhinaceeda dhibco lumisay.
Xilli ciyaareedkan waxa ay u ahayd xilli ciyaareed is badal maadama tababare Jurgen Klopp ka tagay kooxda Slot-na yimid badalkiisa.
Inkasta oo ayna ciyaari doonin caawa kulan premier league ah hadana Liverpool ayaa ku Guulaysan karta Horyaalka xilli ciyaareedkan.
Liverpool ayaa 13 dhibcood ka horaysa kooxda Arsenal iyada oo kaliya 5 kulan ka dhimantahay dhamaadka xilli ciyaareedkan.
kooxda Arsenal ayaa la ciyaari doonta kooxda Crystal palace kulan dhici doona caawa oo Arbaca ah.
Hadii ay Arsenal caawa guuldaro kala kulanto kooxda Crystal palace waxa ay la macno tahay in ay Liverpool ku guulaysanayso Horyaalka iyada oo aan xitaa wax kulan ah ciyaarin.
Be the first to comment