Shay Given ayaa aaminsan in Chelsea aysan haysan wax fursad ah oo ay ku guuleysan karaan Champions League xilli ciyaareedkan, kadib barbarahoodii 2-2 ee ay la galeen Qarabag habeenkii Arbacada.
Chelsea ayaa hoggaanka qabatay qeybtii hore ee ciyaarta oo ka dhacday Baku iyadoo goolka ay u dhaliyay Estevão, balse waxay nasiinada u galeen iyagoo 2-1 lagu hogaaminayo.
Enzo Maresca ayaa saddex beddel sameeyay qeybta labaad, isagoo garoonka keenay Alejandro Garnacho, Liam Delap iyo Enzo Fernández. Garnacho ayaa barbareeyay natiijada isagoo dhaliyay gool qurux badan daqiiqaddii 53-aad.
Si kastaba ha ahaatee, Chelsea ayaa u muuqatay koox nugul marka lagu weeraro si degdeg ah, waxaana barbarahan ay la galeen Qarabag waxa ay la macno tahay in ay leedahay 7 dhibcood.
“Waxaan dareemay in Chelsea ay ciyaarayeen si aan dadaal badan lahayn, iyadoo ay ku jirto isla-wayni — ama waxay u yimaadeen caawa iyagoo moodaya in ay si fudud u guuleysan doonaan,” ayuu Shay Given u sheegay TNT Sports kadib barbarahoodii Chelsea.
“Waxay khasab ku noqotay inay sameeyaan beddelo waaweyn waqtiga nasashada, iyagoo garoonka keenay ciyaartoyda waaweyn. Dabcan, Garnacho ayaa farqi sameeyay qeybta labaad markii uu dhaliyay goolka, waxaana suuragal ahayd in ay xitaa guusha ka helaan dhammaadka ciyaarta,” ayuu yiri Given.
“Laakiin isla markaas, difaacooda… Qarabag iyaguna way heli kareen gool guul ah dhamaadkii ciyaarta, si daacad ah. Taasi waa arrin walaac leh marka laga eego dhinaca Chelsea — sida ay u furnaayeen difaac ahaan iyo sida sahlan ee mararka qaar looga dhex gudbay,” ayuu raaciyay Given.
“Kooxo kale ayaa eegi doona Chelsea — ma haysataa fursad ay ku guuleysan karto tartankan? Waxaan dhihi lahaa, marka loo eego ciyaartii caawa, malaha ma jirto fursad.
Be the first to comment