Waxa la soo saaray xiddigo uu qiimohoodu kor u dhaafayo 300 milyan oo euro kuwaas oo aan si joogto ah ugu ciyaarin kooxohooda ilaa haatan xilli ciyaareedkan.
Xiddig kasta waxa uu jecelyahay in uu si joogto ah u ciyaaro kulamada horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.
Laakiin tababare kasta waxa laga rabaa kaliya 11 xiddig oo joogto u ciyaari kara kulamada kooxaha.
Sidaas darteed waxa jira xiddigo aan wali si joogto ah kulamada ugu ciyaarin kooxohooda horyaalka premier League.
Chelsea ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh 3 xiddig halka ay Man United iyo Aston Villa ku leedahay 2 xiddig.
Kooxaha Bournemouth, Everton, Fulham iyo Brentford ayaa shaxda ku leh dhinacooda min hal xiddig.
Be the first to comment